1 min read

Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo Furay Shirka Wasaaraddaha Kalluumaysiga oo socon doona laba cisho.

Muqdisho :-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya wasaaradda iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda ee dowlad Goboleedyada dalka.

 

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta Kalluumeysiga dalka, dib u eegidda waxa ka qabsoomay mashaaariicda la xiriira Kalluumeysiga, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeysa Wasaaradaha.

Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga XFS ayaa furitaanka shirkaan ka sheegay in ay muhiimad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed xoojinta wadashaqeynta iyo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda. Waxa uu xusay in shirkaan uu ka filaayo in ay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo u ogol xaaraya xaqiijinta hadafyada la doonayo in la gaaro si loo helo horumar la taaban karo oo ku saabsan Kalluumeysiga dalka.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wasiirada wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleeyada Jubaland Mudane Maxamed Cumar Buuno, Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, Hirshabeelle Mudane Iidle Siyaar Sheikh Khaliif iyo Koofur Galbeed Cabdifitaax Maxamed Cali.