1 min read

Lix qof oo ku Geeriyootay Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose.

Shallanbood :-Lix qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo kooxda Khawaarijtu gelisay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood sida uu Wakaaladda Wararka SONNA u xaqijiiyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre,

Qaraxan ayaa sidoo kale Sababay Dhaawaca 12 qof oo Shacab ah,iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyey Cibitaalka Degmada Shallanbood,dadkan Shacabka ah ayaa ku safrayey Gaari Bus ah oo ah nooca loo yaqaan PL-ka.

Falkan Argagixisonimo ee lagu gumaaday Shacabkan ayaa ka mid noqonaya Falalka gurracan ee kooxda khawaarijtu markasta ku beegsato Shacabka Soomaaliyeed,