1 min read

Shaacinta deeq waxbarasho heerka shahaadada PHD

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa sharaf weyn u ah in ay soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, taas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Waxbarashada waxaa bixinaysa Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (University for Peace). Deeqdan waxbarasho waxay u furan tahay mawaadiniinta soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha, waxaana lagu bixinayaa tartan furan oo caddaalad ah.
Hadaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ciddii doonaynsa inay ka bogtaan faahfaahinta la socota linkiga hoose kaas oo aad ka helayso qaabka codsiyada loo soo gudbinayo takhakhusaadka iyo shuruudaha laga doonayo codsadaha.
Faah faahin dheeraad ah Raac Linkiga hoose .