1 min read

Maamulka K/Galbeed oo Wacad ku maray inay isku furayaan wadada isku xirta Baydhabo iyo Buur Hakaba.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( lagtagareen) ayaa sheegay in ay isku furi doonaan wadada xiriira Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha oo ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay heystaan dhiirigelin uga imaaneysa Bulshada iyo dowladda Soomaaliya, loogana baahan yahay in Ciidamadu ay isku furaan wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba.

Wuxuu sheegay in aysan macquul aheyn in Diyaarad lagu kala tago Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, balse ay muhiim tahay in Gaadiid lagu dhexmaro wadadaas.