1 min read

Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka oo ka wada hadlay dib u eegista Dastuurka.

Muqdisho :-  Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha golaha aqalka sare Senoter Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa.

Kulanka guddoonka labada aqal ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka dalka, habraaca dib u eegista dastuurka KMG ah ee  dalka iyo arrimaha hortabinta u leh shaqooyinka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Labada aqal ee Baarlamanka ayaa xoojinaya wadashaqaynta ka dhaxaysa si loo dadajiyo sharciyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista Dastuurka, kuwaas oo aan dhammaystirmaynin haddii aysan labada goleba marin ama u baahan inay wadajir fadhi uga yeeshaan.