1 min read

Ciidamada Dowladda oo deegaanno hor leh ka xoreeyay Al-Shabaab.

Muqdisho :-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay  deegannada Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xussee8n Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

Ciidamada oo kasoo baxay Degmada Ceeldheer ayaa Khawaarijta ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer,waxaana lagu burburiyay saldhigyadii arxan laawayaasha ee dhulkaas.

Howlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deeganka sida Khaliif  Cunar Macallin, dhamme Qeeyla-wayne iyo Taliye dhamme, Fanax ul-wayne.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.