3 mins read

Baasaboorka Soomaaliga oo sare u kacay: Meeqo dal ayaad Visa la’aan ku tagi kartaa?

Singapore ayaa kaalinta koobaad ee baasabarooda ugu awoodda badan addunka kala wareegtray Japan, taas oo u oggolaanaysa in dal ku gal la’aan lagu tago baasaboorkeeda 192 goobood oo caalami ah, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Henley Passport Index.

Shan sano ka dib markii ugu horreysay, Japan ayaa hoos ugu dhacday kaalinta saddexaad iyadoo tirada meelaha Baasaboorkeeda lagu karo fiis la’aan uu hoos u dhacay, sida lagu sheegay qiimayntan ay daabacday hay’adda la-talinta socdaalka ee Henley & Partners oo fadhigeedu yahay London.

Maraykanka, oo mar kaalinta koowaad ka galay qiimayntan ku dhawaad toban sano ka hor, ayaa laba darajo kor ugu soo kacay kaalinta siddeedaad.

Baasboorka Boqortooyada Ingiriiska oo uu hoos dhac ku yimid markii ay ka baxeen Midoga Yurub ayaa hadda derajo kor u soo kacay taa oo u horseedday inuu soo galo kaalinta afraad, booskaas oo ay ugu dambaysay 2017.

Tirakoobka Henley waxay raad raacdaa xogta Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah.

Haddaba qiimeyntan halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa?

Soomaaliya ayaa qiimeyntan kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu markii hore ku jiray kaalinta 103. Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii ahayd 25 dal.

Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.

Waddamada Visa la’aan lagu geli karo baasaboor Soomaliga.

Waddamada aan wax visa ah uga baahneyn qofka baasaboor Soomaaliga wata ayaa kala ah Benin, Gambia, Haiti, Dominica, Cooc Islands, Malaysia, Micronesia, Niue iyo Saint Vincent and the Grenadines.

Hase waxaa jira dalal badan oo ku yaalla Yurub iyo Ameerica ayaan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya, iyagoo marka ay visa siinayaan qofka Soomaaliga ah warqad gaar ah ugu caddeeya halkii ay baasaboorkiisa ugu dhajin lahaayeen.

Ilaa hadda Afar dal oo ku yaalla Yurub oo kala ah Talyaaniga, Swden, Norway iyo Belgium ayaa visa ku dhajiya baasaboor Soomaaliga oo ay si buuxda u aqoonsan yihiin.

Ardayda Soomaalida ah ayaa culeys weyn la kulma marka ay damcaan in ay Jaamacado dibadda ku yaalla wax kasoo bartaan.

Mustaf Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax barashada u doontay dibadda ayaa BBC-da u sheegay in uu la kulmay caqabado badan.

“Markii aan isku dayay inaan raadsado deeq wax barasho oo dibadda ah waxaa la ii sheegay in baasaboorka Soomaaliga ah ee aan heysto uu ka duwan yahay sharciyada kale, ayna adag tahay in lagu helo deeq wax barasho. Waxay iga qaateen lacag si ay howsha codsiga iigu fududeeyaan,” ayuu yiri Mustaf.

Xigasho:BBCSomali