1 min read

Taliyaha ciidanka CXDS oo kormeeray guutada Gumac ee Xoogga dalka.

Muqdisho :-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta  kormeeray ciidamada ilaalo qaran Guutada Gumac ee Xoogga dalka ee ku jiray xerada Ganeraal Goordan, kuwaa oo u diyaar garoobay inay Maalmaha soo socda ku biiraan Dagaalka Ciribtirka Khawaarijta.

Ciidamadaan oo tababara kal duwan ku soo qaatay dalka dibadiisay ayuu taliyaha ciidanka ku booriyay sida ay ugu taaganyihin difaaca dalka iyo dadka,waxa una ciidamada faray in isku diyaariyaan howlgalka wajiga labaad khawaarijta looga saarayo guud ahaan dalka.

“Waxan rabaa in aad kaalintiina qadatan,anagana aan wixii dhiirigalin iyo Agab ciidan ah diyaar idiinla nahnay,marka waa in aad u diyaar garoowdaan ciribtirka cadawa ummadda”ayuu yiri taliyaha

Qaar kamid ah ciidamadaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in khawaarijta ay meel walba ku beegsadaan, si dhibka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyed uga dul-qadaan

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dhameystirka howlgalka wajiga koowaad, iyadoo ay dhawaan billaaban doonaan howlgalka labaad oo lagu sifeynayo haraadiga khawaarijta.