1 min read

Guddoomiyiihii Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya “Xil igama qaadi karo Faarax Cali Macalin’’.

Marwa Kadhija Aadan ayaa sheegtay in gudoomiye kuxigeen keeda uusa shaqo ka joojin ku sameyn Karin maadama ay doorasho ku timid.

Waxay sidookale sheegtay in xil ka qaadisteeda ay ku iimaan karto oo kali ah hadii dhammaan xubnaha soo doortay ay u faristaan inay xilka ka qaadan.

‘’Hadda waxaa i dhinac fadhiya oo ila jooga guddoomiye kuxigeenka Mustaf waxaa kaloo ila jooga seddex xubnood iyo kusimaha xoghayaha,waxaan sheegayaa marka in aan qabannay shir, shirkaas oo kusaabsan warqadii shalay soo baxday in aan beeninno in ay tahay wax kama jiraan sababtoo ah xil igama qaadi karo Faarax Cali Macalin’’ ayay tiri Marwa Kadhija Aadn.