1 min read

Ergeyga arrimaha Somaliland oo la kulmay Xamse Warfaa ka tirsan dowladda Mareykanka.

Muqdisho :- Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay mudane Xamse Warfaa oo ah Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo xuquuqul Insaanka ee xasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka, kaas oo ay ka wadahadleyn xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Somaliland.

Ergayga ayaa uga mahadcelinayay mudane Xamse iyo dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, sida wanaagsan oo ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin, Indhaha caalamkana ugu soojeediyaan markasta, si dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu guuleystaan dhismaha Qaran weyn oo Aduunka wax la qeybsada.