1 min read

RW Xamse oo sheegay in mudda kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah khawaarjita

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mudda kooban lagu soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah khawaarjita ee ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle kadibna loo gudbi doono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

“Waxaan rajeynayaa in muddo gaaban lagu soo afjari doono Khawaarijta ku harsan deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”

Sidoo kale dhammaan shacabka soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse ugu baaqay in aysan  dhex-dhexaad marnaba ka noqon dagaalka khawaarijta madaama waxa la isku haysto uu yahay jiritaanka ummadda oo ay Khawaarijtu rabaan in dalkaan uu noqdo meel bahallo galeen ah.

Ra”iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudda lagu jiray diyaar garowga dhameystirka howlgallada socda ay dowladda diyaarisay ku dhawaad 10-kun oo ciidan,kuwaa oo qeyb ka noqonayo howlgalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Waxa uu Ra”iisul wasaaraha dhammaan hay’adaha dowladda faray in si wadajir ah looga wada qeyb qaato howlgallada,xildhibaanada ayu ugu baaqay in ay tagaan degaanada ay ka soo jeedaan oo ay dadka abaabulaan ayna ku dhiirigaliyaan in leyska xoreeyo khawaarijta,hadalkaan ka sheegay xili uu ka qeybgalayay xafladda shaacinta Natiijada imtixaanka shahaadiga ee Dalka

Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jiray wasiiro, sarakiil ciidan ay gaareen Dhuusamareeb, iyadoo halkaa uu Madaxweynaha uu ka hagi doono dhameytirka haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.