1 min read

Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay.

Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah.

Filmkan ayaa waxaa loogu magac daray First Person Plural.

Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xiriirka dhexmari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Sheekada ayaa waxa laga jilay xiriir jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay sheekh imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari.