1 min read

Maryam Shetty gabadhii loogu hambalyeeyay wasiirnimada ee haddana laga saaray ayaa tiri “waxay ahayd qadar Alle”

Haweeneyda uu Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu magaceeda ka saaray liiska magacyada uu u diray Baarlamaanka si ay u go’aamiyaan in ay wasiiro ka noqdaan dowladiisa, Dr. Maryam Shetty ayaa sheegtay in ay qaddar tahay sababta magaceeda meesha looga saaray.

Fariin dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayay Maryam Shetty ku sheegtay in aysan muujin karin sida ay ugu faraxsan tahay markii ay magaceeda ku aragtay liiska dadka doonaya in loo magacaabo wasiirada dalka.

Taasina, sida ay sheegtay, waa calaamad muujinaysa in Nigeria ay diyaar u tahay inay hubiso mustaqbalka wanaagsan ee haweenka, gaar ahaan dhalinyarada iyada oo kale ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Shetty ayaa sheegtay in masiirka ay rajaynaysay ee ahaa mid wax ku ool ah uu saameeyay in magaceeda laga saaro liiska.

Waxay tidhi, “Dadka qaar baa u arka arrinkaas dib-u-dhac igu yimi, laakiin Muslim ahaan, waxaan u arkaa go’aan Eebbe ka yimid, oo cidda uu doono siiya awoodda, iyo markuu doono”.

Waxa ay sidoo kale intaasi ku dartay in iyadoo ay taasi jirto ay aad ugu mahadcelineyso Madaxweyne Bola Axmed Tinubu oo u horay u magacaabay balse dib kaga laabtay.

Dr. Maryam ayaa sidoo kale sheegtay in taasi aysan niyad jabin, sababtoo ah sida ay sheegtay waxaa ka buuxa dhiirigelin ay ugu adeegto dalkeeda.

“Waxaan rabaa in aan taageerayaashayda u caddeeyo in aanay taasi dhammaanayn, hadda ay bilaabatay, markaa fadlan sii wad in aan u ducayno dalkeena oo aan u hiilino madaxweynahayaga.

Arbacadii, Madaxweynaha dalka ayaa u diray magacyada 19 qof oo ay ku jirto Dr. Maryam Shetti baarlamaanka qaranka si loo soo saaro wasiiro.

In magaca Shetty la geliyo liiska ayaa dood kulul ka dhalisay baraha bulshada gaar ahaan dhanka waqooyi ee dalkaasi, iyadoo magaceeda la yaab ku noqotay dad badan.

Xigasho: BBCSomali