1 min read

Gudoomiye Madaale  “Deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde muranka dhuleed ee ka taagan waa la soconaa….”

Muqdiaho :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan Caasimadda.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horeyn ka hadlay  dhulka  Casa Italia ee degmada Xamarweyne,oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Casa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa  kale uu Guddoomiyaha ka  hadlay  muran dhul oo isna ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde , isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu caddaalada u doonto garsoorka.

Sidoo kale waxa u sheegay Guddoomiyah in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garo.onka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray,isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob.