1 min read

Amaanka magaalada Washington oo aad loo adkeeyay xilli Trump maxkamad la soo taagayo maanta.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta lagu wadaa in maxkamad la soo taago, iyadoo aad loo adkeyay ammaanka magaalada Washinton oo ah halka uu ka dhacayo dhageysiga kiiska dacwadda loo haysto Trump.

Trump ayaa horey u wajahayay laba kiis oo kale waxaana uu mar kale doonayaa inuu ku soo laabto Aqalka Cad ee Mareykanka doorashada soo aaddan.