1 min read

Arsenal Oo ku Guulaysatay koobka Emirates Cup.

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Monaco kulan ka tirsanaa koobka Emirates Cup oo ay Arsenal ciyaarto ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

Kulanka ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee ay Arsenal isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka horyaalka premier League iyo kulanka Community Shield-ka ee ay la ciyaari doonaan Man City.

Kooxda Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Monaco lafteedu si fiican u ciyaartay iskana caabisay kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay.

Daqiiqadii 31-aad ayay Monaco dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Youssouf Fofana kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Kooxdiisu ku hogaaminayso.

Kooxda Arenal ayaa bilowday in ay raadiso goolal ay ciyaarta ugu soo laaban karaan ka hor inta uuna wakhtigu ka dhamaan.

Daqiqiadii 43-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican.

Kadib markii ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro waxa la aaday rikoodhayaal ay 5/4 ku badisay kooxda Arsenal.