1 min read

Taliska Booliska oo dhisaya dhaqanka diineed ee Askarta.

Muqdisho :- Taliye ku xiggeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sakiya Xuseen iyo hoggaanka Anshaxa iyo wacyi-gelinta Booliska ayaa maanta Kutubo Qur’aan ah ku wareejiyey ciidanka Birmadka Booliska iyo sidoo kale Ciidanka Daraawiishta, waxaana goob joog ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Booliska Kornel Suleymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid.

Saraakiisha ayaa ciidanka u soo jeediyey inay xoogga saaraan aqrinta kalaamka Alle, kuna camal falaan, iyaggoo kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah ay ugu shaqeeyaan Qaranka.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo aqoonta diineed ee askarta iyo in la dhiso akhlaaqdooda, si ay uga qayb qaataan dagaalka fikirka ee kooxda Khawaarijta ah lagula jiro, iyagoo sidoo kale qayb ka ah dagaalka furimaha.