1 min read

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Save the childeren.

Muqdisho : Guddoomiyaha hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda Save the children, kaas oo uu hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka agaasimaha hawlgalada ee hay’adda Save the children, waxaana kulanka ku wehlisay Francesca Sangiorgi agaasimaha waaxda Humanitarianka ee  hay’adda.

Kulanka ayaa looga hadlay in Save the children hay’ada SoDMA ka caawiso qorshaha loo sameeynayo fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacaan qeybo kamid ah dalka, ka qeyb qaadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay’adda maareynta musiboyinka, dardargalinta mashaariicda iyo xiriirka labada hay’addood.

Masuuliyiinta ayaa kulanka kadib kormeeray xafiisyada hay’adda maareynta musiiboyinka, iyagoo balan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan mashaariicda ay hay’addu wado sidii ay waxtar ugu yeelan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.