4 mins read

Dowladdu gacan Shabaab ayay kula dagaalamee tan kalena Deyn cafin ayay ku wadaa (WARBIXIN).

Dawladdu waxa ay cagta saartay waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Deyn-cafinta,3-  Qaadista cunaqabataynta Hubka,4- Dagaalka lagula jiro Musuqa maasuqa,5- Geeddi socoka-Dimuquraadiyadda.

Bishii Maarso ee sanadkii 2020-kii, Soomaaliya waxay soo gaartay marxaladda kowaad oo ah mid ka mid ah labada marxaladood ee hannaanka deyn cafinta (HIPC). Hannaanka HIPC waxaa loo dejiyey in waddamada Soomaaliya oo kale ah in deynta looga cafiyo. Marxaladda kowaad (decision point) oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto hannaanka HIPC waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay shuruudihii horudhaca u ahaa deyn cafina sida maamulka wanaagga dhanka mashaariicda IMF-ta iyo kuwa kale. Marxaladaas kadib, Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay fuliso dhammaan shuruudaha deyn cafinta, si Soomaaliya ay u gaarto marxaladda labaad (Completion point).

Haddii ay Soomaaliya soo gaarto marxaladda labaad, taasi oo la filayo dhammaadka sanadka 2023-ka, Soomaaliya waxaa laga cafin doonaa inta badan deyntii lagu lahaa oo gaaraysay USD 5.2 Billion.

Deyn cafinta kadib, waxaa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale, waxaa la eegayaa Dhanka fursadaha (ama faaidooyinka), Soomaaliya waxa ay ka faa’idaysaa laba arimood. Midda 1-aad, Soomaaliya waxaa loo arkayaa dal sameeyay dib-u habeyn dhaqaale una hogaansamay talooyinkii IMF ta, taasina waxay kor u qaadeysaa sumcadda Soomaaliya ee dhanka maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha, sababta oo ah warbixinada IMF-ta waxay saameyn xooggan ku leeyihiin go’aamada waddamada. Midda 2-aad waxaa weeye Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay deyn ka qaadato waddamada iyo hey’adaha caalamiga ah. Labadaasi fursadood waxay ka mashquuliyeen Soomaalida in ay qiimeeyaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara deyn cafinta kadib.

Haddaba dhawaan warbixin uu soo saaray Bangiga Aduunka ayuu amaanay Dadaalada ay wado Dowlada Soomaaliya ee la xiriira deyn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha, Warbixinaasina uu saaray Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadaalka Dowlada Soomaaliya ay ugu jirto dhisida hey’ado awood leh lagu kordhiyay deeq lacageed oo dhan 75 Milyan oo doolar, taasi oo Soomaaliya ka caawineysa in ay si buuxda u gaarto Yoolkeeda Deyn Cafinta.

Tilaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay la xiriira Sameynta Sharciyada ay ka midka yihiin Maalgashiga, Aqoonsiga Qaranka iyo Sharciga ilaalinta Xogta iyo shuruucda kale ee Deegaanka, Korontada iyo Kaluumeysiga ayaa Bangiga Aduunku sheegay in ay qeyb ka qaadaneyso kobcinta dhaqaalaha Dalka

Warbixin ay soo saartay Hey’adda World Bank ayaa lagu sheegay in Guddiga Sare ee Maamulka uu ansixiyay Deeq dhaqaale oo dhan $75-millions oo loogu talagalay kabka miisaanidda Dowladda, Deeqdaani oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO)…

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federalka oo Dhaqaale yari muddo bilooyin ah la daala dhaceysay ayaa si buuxda u soo dhaweyneysay, kana mahadcelisay taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Federaalka, Deeqdaan ayaa ku soo aaday xili adag oo Maamulka Dowladda Soomaaliya uu barnaamijyo Dagaal iyo xakameyn baadda Kooxda Argagixisada ka wado Caasimada iyo Gobolada ku dhow.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee Dowladdu ay sheegatay inay horumar ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxayna sahlaysaa in si habsami leh ay u sii scodaan dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Dowladda Soomaaliya oo ku sii siqeysa (kusii dhawaanaysa) inay gaarto dhammaadka hannaanka deyn cafinta Bilaha soo socda, ayaa Isbuucaan (Todobaadkan) dowladda Ruushka waxay ka cafisay Lacag dhan $684 Milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Dhanka kale, dakhliga gudaha ee dowladda ayaa markii ugu horeysay gaaray $30 milyan dollar, kadib markii ugu horreysa,y iyadoo la rajeynayo inuu sii kobco, maadaama dowlaaddu la dagaashay Lacagihii ku dhici jiray jeebabka gaar ka ah, waxayna arrimahaan ay ka dhigan yihiin in dowladda ay ka go’an tahay, inay wax badan ka badasho nidaamka maaliyadeed iyo dhaqaalaha Waddanka ee guud ahaan.

falanqeeye ayaa sidaan yiri:- “ Khawaarijta ayay sidoo kale dowladdu kula dagaalamaysaa Gacan, halka gacanta Labaadna ay deymaha ku dalbanayso in laga Cafiyo, Lacagta deynta ah dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa qaadatay, ee maahan Lacago la isticmaalay dhawaantan”.