1 min read

2 nin oo Ciraaqiyiin ah oo mar kale Kitaabka Quraanka ku gubay Sweden

Laba nin oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq ayaa ka dhabeeyay balantii ay ku galeen in ay Qur’aanka ku gubi doonaan afaafka baarlamaanka baarlamaanka Sweden.

Waxa ay ku tunteen dhulkana ku laadeen kitaabka Quraanka, kadibna dab qabadsiiyeen xaashimaha kitaabka, si lamida sidii la sameeyay mudaaharaad ka dhacay bannaanka masaajidka weyn ee magaalada Stockholm bil ka hor.

Mid ka mid ah nimankaas oo lagu magacaabo Salwaan Najem ayaa horay ugu hanjabay inuu sii wadi doono gubista Quraanka ilaa kitaabkan laga mamnuuco gebin ahaanba dalka Sweden. Gubista qur’aanka kariimka ah ayaa ka cadhaysiisay dalal badan oo kuwa muslimiinta u badan, waxayna su’aalo ka keeneen siyaasadda Sweden ee xoriyatul qawlka.