2 mins read

Xildhibaanada labada Golle ee BFS oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023.

Muqdisho :-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 4-aad ee Wadajirka ah ee labada aqal Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal, waxaana uu ajanduhu ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta Xeerka Qoondaha Ku-noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Xildhibaan Maxamed Farax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Labada Aqal ayaa xildhibaannadda warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana uu Xildhibannada Golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo maadaama uu guddigu qiimeyn ku sameeyay, sidoo kale Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sen. Ibrahim Aw gaab ayaa isna ka hadlay ahmiyadda missaaniyadda ay qaranka u leedahay, isagoona ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in ay ansixiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Xildhibaannada labada aqal u soo jeediyay in ay ansixiyaan Miisaaniyadda maadaama la soo mariyay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo sedexaadba, ayaa waxaa cod gacan taag ah ugu codeysay 169 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal waxaa diiday 1 mudane waxaana ka aamustay 2-Xildhibaan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in sidaasi ay ansax ku tahay Misaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi

Sidoo kale waxa uu wasiiir Biixi xusay in uu gabo gabo marayo hanaanka dayn cafinta dalka oo soo socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay,sidoo kale wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya xubin ka noqon doonto ururo caalami ah kuwaas oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah,taas oo kaalin weyn ka geysan doonta kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Gunnaanadka kulanka oo uu soo xiray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Xukuumadda u sheegay in Miisaaniyadda iyo xisaab xirka waqtiga loogu talagay Golaha la keeno si Xildhibaannada ugu baaraan deegaan una helaan waqti ku filan isla-markaana u mariyaan habraacyadooda.