1 min read

RW Xamse oo qaabilay Ergeyga UNHCR u qaabilsan geeska Afrika.

Muqdisho : Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga Q.M. ee UNHCR u qaabilsan geeska Afrika danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo danjire Afeey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Afeey ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni, taas oo wax weyn ka tareysa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka ku nool.