1 min read

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga caasimada.

Muqdisho :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargalinta amniga caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar.

Kulankan amniga la xariira ayaa waxaa goob ka ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka Military police.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa warbixina Amniga quseeya ka dhageestay saraakiishii kulanka ku sugneed, isaga oo kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha kor loogu qaadayo sugida amniga iyo la dagaalankan Maandooriyaha.