1 min read

Midowga Yurub oo hakiyay iskaashiga amni iyo kaalmadii la siin jiray Nige.r

Midowga Yurub ayaa hakiyay dhammaan wadashaqeyntii dhanka ammaanka ee ay la lahaayeen Niger ka dib markii ciidamada dalkaasi ay xukunka kula wareegeen afgambi.

Tallaabadaan ayaa soo baxday xilli Maeykanka uu taageero u fidiyay madaxweynihii la afgembiyay ee Mohamed Bazoum,kaas oo loo arkay xulufo muhiim u ah reer galbeedka oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in iskaashiga amniga iyo kaalmada miisaaniyadda ee lasiin jiray Niger la hakiyay.

Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay ciidamada Niger in ay ku laabtaan xarumahooda ama saldhigyada ciidan waxaana la siiyay muddo 15 oo ay ku soo celiyaan maamulkii ay afgambiyeen.

Shalay madaxa qaybta ilaalada madaxtooyada Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

Waxa uu intaa ku daray in amni darro, dhaqaale xumo iyo musuq-maasuq ay u horseedeen inuu talada dalka la wareego.