1 min read

Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada laasacaanood.

Muqdisho :- Wasiir ku xigeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa safiirka ku xigeenka safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya kala wareegay gargaar bini’aadanimo oo dowladda Talyaaniga ugu talagashay dadkii ku barakacay dagaalada laasacaanood.

Diyaarad siday gergaarkaan bini’aadanimada ee Dowladda Talyaanigu ay ugu talo gashay dhinaca samafalka ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga gargaar bini’aadanimo gargaar bini’aadanimo ee loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa munaasabada gergaaran lagu wareejinayay ayaa sheegay in gurmaadkaan ku soo aaday xilli loo baahna, dowladda Talyaanigana ay kaga mahadcelinayaan taageeerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya