4 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-367=Duqnimadda Lama inkiri karee, Talada Xaaskaga qaado=

1.Nin aad u faqiir ah ayaa muddo 5 Sano ah Maalin kasta waxa uu cunayay Rooti iyo Basbaas, ileyn wax kale ma heli karin.
Maalintii Dambe ayaa waxaa u yimid Sheydaan aad iyo aad u careeysan kuna qeylinayo, Wacalyohoow, wacalku dhalay. Laba mid yeel. In aad bedesho Cuntada ama in aad Bisinka ku bilaawdo, Maalintii aan ku bartay ayaa Baabasiir iigu horeysay. ( F.S:1aad)

( Nin 5 Sano Mucaarad ahaa ayaa Dowladii ku tiri: ama Mucaaradnimada dhaaf ama Maal qaado.Dowladu ma ogo Duruufta Maskiinku uu wax u mucaaradaa in ay tahay, Ar Maamulka wanaajiya)

2. Nin marqaansan oo check point joogay ayaa waxa uu hurdadii ka soo toosay Gaari Caasi ah oo rakaab saarnaa oo Birtii ka gudbay. Rasaas ayuu ku furay, Gaarigii oo sii taraaraxay ay iskii u istaagay. Waxaa geeriyooday Dhamaan Rakaabkii iyo Darawalkii.
Ninkii ayaa Gaarigii Daaqada ka fiiriyay waxa uuna arkay dhiig badan oo qulqulayo, waxa uuna yiri: Sorry, ileey Gaarigu waxa uu la ordayay Dad dhaawac ah ayuu isbitaal u waday. (F.S:2&3aad)

( Ciidanka Baraha Kontroolada joogo, Dhiigooda ha laga baaro Mukhaadaraad)

3. Nin Asgari ah ayaa si khalad ah Telefon iga soo wacay isaga oo ii heysto Taliyihiisii Ciidanka, waxa uu i weydiistay 2 Maalin oo fasax ah, anna waxaan siiyay Bil fasax ah, waxaa iigu maqal dambeeysay isaga oo faraxsan oo ii duceynayo.(F.S:4aad)

(ducadiisu Aqbal miyaa?)

4. Kafaara gudka, Haddii aad Bisha Ramadaan si ula kac ah aad isga dhaafto hal Bil oo Soon ah, Fal kalena aad ku darto Adiga oo aan Cudurdaar leheyn. waxaa lagaa rabaa kafaara gud ah: 1. in aad soonto laba bil oo xiriir ah. 2. ama , in aad Hal Adoon xureyso. 3. Ama in aad 60 Miskiin quudiso.

Nin ayaa u yimid Nin sheikh ah, waxa uuna ku yiri: waxaan jiraa 90 Sano weligeyna Bil Ramadaan ma soomin,wax kalena waa ii dheeraayeen, maxaan Sameeyaa?

Sheekhii ayaa yiri: Darxumo ku dishay, War Niyahoow. Si aad shuruudii Kafaara Gudka u buuxiso mudadaa Reer ee aadan Soomin haddii la jamciyo. Anigu Xal kale kuuma ahayo oo aan ka aheyn: 1. in aad Soontid Laba Qarni oo isku xigto. 2. Ama ama in aad Shacabka Shiinaha Quudisid. 3. Ama in aad Falasdiin Xureysid.

( Allaah ayaa Gafuuru Raxiim ah, haddii Dambigaagu bato, Haka quusan Towba keen iyo in aad Allaah weeydiisato Dambi dhaaf, Shuruudaha Towbadana la imaad)

5. Nin Duq ah ayaa waxaa ku batay Hilmaanka. Mar kasta oo uu Subixii baxayo waxa uu Hilmaamaa, shay uu hore u qaada lahaa sida: furaha Baabuurka, Ookiyaalaha, Mobile kiisaa ama ID Card-kiisa. Xaaskiisa ayaa ku tiraa Macna male waad Gaboowday. Eraygaas ayuu Dhibsaday.
Maalintii Dambe ayuu Go’aansaday in waxa uu qaadanayo oo dhan uu Habeenkii Liis ku qorto, si ayna mar kale Xaasku u dhihin waad gaboowday.

Subixii ayuu soo qaatay liiskii waa hubsaday in dhamaan wixii uu u baahnaa uu soo qaatay, Gaarigii ayuu ku Booday. Dowr daqiiqo markii uu sii socday ayaa Xaaskiisii Telefon ka soo wacday. Intii ayna la hadlin ayuu ku yiri: Maanta wax aad i xasuusiso ma jiraan oo wax walba waa ii dhan yihiin.
Markaa ayeey ku tiri: Oday meesha xasuus kuma heysid ee Dib u soo Noqo, Maanta waa Jimcee.

( Duqnimadda Lama inkiri karee, Talada Xaaskaga qaado)

6. Macalin Jaamacadeed ayaa galay Supermarket, waxa uu tagay qeybta Hilibka, waxa uu yiri: i sii Hal kiilo Hilib ah?. Ninkii ahaa Milkiilaha Dukaanka ahaa ayaa yiri: haloo Cabiro 5 kiilo. Hilibkii ayuu u soo qaaday waxa uuna ku yiri, Gaarigeyga soo raac, Anigaa ku geeynaa Gurigaaga.
Macalinkii ayaa yiri: maxaad sidaa iigu daneynee?. Waxa uu yiri: waxaan leeyahay 6 Dukaan oo kale oo ku dhaxtaal Lix Mall.
Waxaan ahaa Arday Caajis ah oo dhigta Jaamacadda Sanadka kowaad. Adiga ayaana Macallin ii ahaa. Maalin ayaad igu tiri: waxaad ka shaqey weyday Su’aalihii aan kuu diray. Fasalka iiga bax, Sidii aad Maalintaa ii Eriday Jaamacdda kuma soo noqon, waxaan Furay Hal Dukaan oo Hilibka lagu iibiyo, Maantana waxaan leeyahay Lix Dukaan, Ardaydii aan Fasalka la dhigan jiray ee soo qalinjibay qaarkood ayaa Halkaan iiga shaqeeyo.
Macalinkii ayaa yiri: waxaa fiicneed in Anigana Maalintaa la i Eryo, Si aan wax u tacbado. (F.S: 5aad)

( waxbarashada Xaqeeda ha la siiyo. Ardayda ayaan la nacsiin wax barashada, Dowladuna yeynan Macalimiinta Jaamacadaha nacsiin)

Qore:Yahya Amir