1 min read

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Seerbiya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, aya gaaray Magaalada Belgrade ee caasimada dalka Seeriya, halkaas oo uu safar shaqo u joogidoona mudo 4 casho ah, taliyaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday safaarada Soomaliya ee Seerbiya, sidoo kale taliyuhu wuxuu la kulmay, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Seerbiya, Mudane. Maxamed Cabdulahi Axmed, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Seerbiya, Mudane. Bratislav Gašić, Taliye Xigeenadda Booliska Seerbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović. Taliyaha hogaan Arimaha Dibadda ahna Taliyaha Interpol Col. Miloš Andjić iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay ujeeda safarka, la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turjumaya labada Taliska Ciidan Boliis ee Seerbiya iyo Soomaaliya.