1 min read

RW Xamse oo hadal ka jeediyey madasha shir madaxeedka Daaresalaam

š¯——š¯—®aš¯—暯—²sš¯—®š¯—¹š¯—®š¯—®š¯—ŗ :- Raā€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay maanta shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.
Raā€™iisul wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.
Xubnaha wafdiga Raā€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.
Ā Ā