1 min read

In ka badan 60-ka tirsan Ajaanib iyo Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Bay.

Baydhabo :- Hawlgal qorshaysan ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Koofur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhuun oo hoos taga Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay ayaa lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo tiradoodu gaarayso 60-ruux.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana ay bogaadisay ciidanka geesiyaasha ah ee hawlgalka qaaday.

Maleeshiyada Shabaab ayaa laga gubay intii hawlgalku socday Gaari iyo Bakhaar hub ugu keydsanaa, waxaana la burburiyey isku day ay ku doonayeen inay shacabka dhagar ugu maleegaan, waxaana hawlgalka lagu dilay horjoogayaal Ajaanib iyo Soomaali isugu jira.