1 min read

Wiil ay ilmo adeer yihiin Mo Faarax oo ku biiray koox kubadda cagta ah.

Yuunis Faarax oo ay ilmo adeer yihiin orodyahanka caanka ah ee Mo Farax ayaa heshiis u saxiixay kooxda kubadda cagta ah ee Banbury United oo ka dhisan Ingiriiska, gaar ahaanna Oxfordshire.

Sadex iyo labaatan jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu dhowr mar isku dayay inuu ku biiro kooxdaasi, taas oo uu markii dambe ku guuleytay.

Waxaa uu waayihiisa kubadda ka bilaabay Southend United academy, wuxuuna ka tegay sanadkii 2018-kii.

Kaddib waxaa uu ku biiray kooxda Trysil FK ee Norway, wuxuuna u dheelay hal xili ciyaareed kahor intuusan aadin Ytterhogdals iyo Eskilstuna City oo Sweden ka dhisan.