1 min read

Mucaaradka Kenya oo sheegay inay todobaadkaan joojinayaan mudaharaadyada

Mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ayaa sheegay in todobaadkaan ay ka nasanayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo sare ukaca maciishada , taas bedelkeedana ay sameyn doonaan feejignaan dadweyne oo lagu sharfayo dadkii lagu dilay dibadbaxyadii hore.

Isbaheysiga Azimio ayaa ku andacoonaya in ilaa hadda ay jiraan ugu yaraan 50 dhimasho ah, iyadoo boqollaal qof oo dhaawac ah ay isbitaallada yaalaan.

Waxa ay ku eedeeyeen booliiska in ay ku kaceen awood xad dhaaf ah iyo arxan darro ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in aysan ka ag dhowayn goobihii mudaaharaadku ka socday markii ay waxyeelada soo gaarayeen.