1 min read

Wasiirka Maaliyadda “Waxaan ka guuraynaa in Hanti dhowraha uu hoos yimaado Xukuumadda”

Muqdisho :- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka maanta warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud,oo horyaal Golaha Shacabka BJFS.

Wasiirka ayaa sheegay in sharciga Hanti dhowraha Guud uu wax badan ka baddali doono nidaamka Maaliyadeed iyo kor u qaadid hufnaanta Maaliyadda dalka,waxa uu shegay in ay muhiim tahay in laga guur Hanti dhowr hoos yimaado xukuumadda,xildhibaanada  ay tahay in ay ansixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo ay weydiiyeen xildhibannada oo ay kamid tahay sameynta sharcigan uu ku yeelanayo Hanti dhowraha jooga ayaa sheega in Hinto dhowraha uu ku joogo sharci la sameeyay 1972,inta sharcigaan la meel marinayana dalka isaga uu sharci u yahay,wasiirka ayaa dhammaan ka jawabay su’alihii xildhibaanada ay ka weydiiyeen shacriga Hanti dhowraha Guud.

Kulanka xildhibaanada oo wali socda ayaa maanta waxa ay Akharinta koowaad marsiinayaan shacriga Hanti dhowaraha,iyadoo dooda kadib ay go”aan ka gaari doonaan.