1 min read

Hey’ad MSF oo shaaciyey iney joojisay howlihii gargaarkii ay ka haysay Laascaanood

Hay’adda Dhakhatiirta aan Xuduudda laheyn ee MSF, ayaa waxay joojisay adeegyadii ay ka fulin jirtay cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Soomaaliya.

Tani ayaa ka danbeysay kadib markii ay sare u kaceen colaadda iyo amni darrida soo noq[1]noqotay ee ka jirta gobolka Sool, taasoo saameysay adeegyadeedii caafimaad.

Weerarada soo noq-noqday ee loo geysanayay xarumaaha caafimaadka, iyo colaadda daran ee ka jirta Laascaanood, ayaa waxay MSF ku khasabtay in gebi ahaanba ay joojiso adeegyadeeda caafimaad.

Sidoo kale, hey’adda ayaa waxay u baqday badqabka iyo ilaalinta bukaannada, iyo shaqaalaheedaa caafimaadka.

Dhacdadii ugu dambeysay, ayaa waxay dhacday 8-dii bisha July, Waxaa la weeraray cisbitaalka guud ee Laascaanood xilli dagaal uu socday.

Wuxuu dhaawac soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo ehelada bukaannada.

Dagaalka ayaa wuxuu sidoo kale burburiyay mid kamid ah gawaarida gurmadka deg degga ah, wuxuuna horseeday in la xiro qeybta cisbitaalka ay haweenka ku umulaan.

Waa dhacdadii shanaad tan iyo 6-dii bishii February ee sanadkan. Dagaalladii horey uga dhacay Laascaanood, ayaa waxaa ku dhintay shaqaale caafimaad, iyo dad mutadawiciin ahaa oo ka qeybqaadnayay daweynta dadka dhaawaca ah