1 min read

Isku shaandhayn lagu sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo sababta ka dambaysa.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isbedel dhanka Ciidanka ah waxaa ay ku sameeysay Saraakiisha kala duwan ee Guutooyinka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla dalka, kuwaas oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa taliyeyaal cusub u Magacaabay  Guutooyinka 25 iyo 26-ka, iyadoo loo magacaabay saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii Badbaado Qaran ee ka hortegay muddo kororsigii dowladdii Farmaajo..

Taliyaha Guutada 25-aad oo dhawaan dowladda Soomaaliya u bixisay magaca Cumar Binu Khadaab ayaa waxaa loo Magacaabay Korneyl Mukhtaar Xasan Tifoow oo lagu Naaneeso Shaah-Macabe oo muddo badan ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Ciidanka Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil CabdiMaalik ayaa waxaa loo Magacaabay Taliyaha Guutada 26-aad oo loo bixiyey Magaca Cali Binh Abii Daalib, halka Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow) loo Magacaabay taliyaha Guutada 1aad Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed.

Horay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu isbeel ugu sameeyay taliyeyaasha ugu sareeya Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu Magacaabay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo loo Magacaabay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka lugta oo loo Magacaabay Janeraal Axmed Aadan Cali.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in isbdelkaan lagu sameeyay Talieyaasha Guutooyinka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed looga gol leeyahay in dowladda Soomaaliya ay dar dar geliso wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhawaan billaabanaya.