2 mins read

Xafiisyada faraha badan ee ku yaala Xerada Xalane oo lagu bixiyo Karaj fara badan. (Xog ku saabsan arrintaa)

Waan is ogahay in aan Anigu Jaahil ahay ayna ii raacday Xoogaa Doqonnimo ah, waxaan filayaa in Adiguna aad iga ag Dhawdahay ama aad iga faham roontahahy. Allaah ha naga Badbaadiyo Jahliga iyo Doqonnimada isku keena raacday.

Waxaan deganahay Xaafadda Wadajir oo ay dhinac uga taal Xerada Xalane. Jasiiradaa Xalane ee Darbigu ku wareegsan yahay waxaa ku yaal Xafiisyo Badan oo lagu bixiyo kharaj aad u badan, kharajkaa oo Labo u qeybsano:

1. Qeyb Deyn kugu ah.
2. Qeyb ah Deeq lagu sameeyo waxyaabo Adiga dhib kuu ah, magacu waa deeq aan Darbiga soo dhaafin, laakin dhibaatada ka dhalato xanuunkeeda ayaad mustaqbalka dareemi Doontaa.

Tusaale

Tusaale Haddaan u soo qaadano Mid ka mid Xafiisyada ugu Miisaaniyadda yar.

Xafiiska, United Nations Support Office in Somalia- UNSOS. Miisaaniyadiisa halka sano 1 July 2023 – 30 June 2024 ee Hadda loo ansixiyay waa $ 606,742,300. Taa oo u dhiganto 2/3 miisaniyadda Qaranka 2023. Shaqaalaha rasmiga ah ee Xafiiskuna kama badno 15 Qof.

Miisaniyadda UNSOS, Waxaa loo kala jajabiyay Sida ay hoos ku qoran:
A) $ 551,590,900 kuna bexee Dayactir iyo Howlo Maamul dadban ee isla xafiiska. “Maintenance of the Support office”. Taas oo u dhiganto 90.9% miisaniyadda Guud ee Xafiiska UNSOS.
B) $42,557,400 lagu taakuleynayo halowgalka Nabad soo celinta, “the Support account for peacekeeping operation”.
C. $7,301,400 oo ay ku bexeyso Xafiis ku yaal Dalka Talyaaniga, “United Nations Logistics Base at Brindisi-Italy” .
D. $5,292, 600 oo ku bexee Xarun Gobaleedka Howlaha ee Entebbe-Uganda, “The Regional Service Centre in Entebbe Uganda” ,Dalka dibadiisa.

Xalane Hawlaha ka socdo lama canshuuro, Hore ayaa Wasiirka Maaliyadu u yiri: hala canshuuro, waxaa lagu yiri: warqadaan Akhri, Adigaa laftaada ayaa, markii aad wasiirka Ar. Dibadda u aheyd noo saxiixay in aan nala canshuuri karin. Xalane waxaa ku yaal Hotelo Caalamiya oo Private ah.
Kenya iska daa Howlaha iyo qalabka u soo dagee, mushaarka Shaqaalaha Ajnabiga ah hadda waxaa la gaarsiiyay 30% in la canshuuro. Si shaqo loogu abuuro muwaadiniinta.

Maxaa kaa soo garaay, Dalka iyo Dadka maxaa ka soo gaaray Lacagtaa nalagu xisaabiyay ee ah, $606,742,300?

FG: Haddii Hal Xafiis intaa looguugu Dul cunay Adiga oo aan ogeyn, Hadana aynan Culeeys kugu heyn oo aad leedahay waa iska caadi, maxaa ka macnaa, maxaan ka qaba karaa.
sow Jaahil Doqon ah, Aniga Camal ma tihid.

Wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore :Yahya Amir