2 mins read

Wasiirka Ganacsiga oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta shixnadda dalka yimaada.

Muqdisho :– Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta furay xaflad loo sameeyey daahfurka iyo dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Abdi Nuur oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskani uu yahay siddii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda, waxaana ay xustay in shirkaddani ay tahay shirkaddani ay mas’uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.

Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ciidamada, Culimaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna tilmaamay in arrintani ay muhiim u tahay caafimaadka qofka bani Aadamka ah ee Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay waajib tahay ilaalinta tayada badeecadaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

Wasiirku, wuxu sidoo kale xusay in barnaamijkani uu kaalin weyn ka qaadan doonaa kor u qaadista dakhliga gudaha, horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabto tayada badeecadaha ee dalka. Waxa kale oo uu boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay kaalinta horumarka ah ee ay mar walba kaga jiraan dalka balse aan la aqbali doonin ganacsato dalka u soo dhoofisa waxyaabo tayadoodu ka hoosayso halbeegyada dalka.