1 min read

Qarax lagu dilay maanta Sarkaal ka Tirsanaa Waaxda Canshuur aruurinta Magaalada Jowhar.

Wararka imaanaya  Magaalada Jowhar ee Xasrunta Dawlad  Gobolooledka Hirshabeelle ayaa sheegaya  in uu ka dhacay Qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Qaraxa ayaa Wararku ay sheegaya in Qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay islamarkaana uu ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Jowhar waxaana ku geeriyooday Sarkaal lagu magacaabayay Daahir Maxamed Kaanti kaas oo ka tirsanaa waaxda Canshuur aruurinta Dawlada hoose Magaalada Jowhar .

Goob joogayaal Warbaahinta u xaqiijiyay  in Sarkaalkaas uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qaraxa miino oo maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 qof oo la mid ahaa ilaalada sarkaal u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabeelle.

Sarkaalka lagu dilay Qaraxa miino ee ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Jowhar ayaa dhowr jeer ka badbaaday Qaraxa lala beegdsaday balse maanta ayuu u geeriyooday qaraxa dhaawac ka soo gaaray miino ee ka dhacay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee  Magaalada Jowhar iyadoo 3 ka mid ah ilaaladiisa oo qaraxaas ku dhaawacmay loo soo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaala Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.