1 min read

Musuqmaasuqa aduunka iyo kaalinta ay Soomaaliya ka gashay.

Ha’adda caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee lagu magacaabo (Transparency International) ayaa soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah ee dowladaha caalamka iyo heerarkooda musuqmaasuq.

Warbixintan oo ku salaysan sannadkii lasoo dhaafay ayaa Soomaaliya gelisay kaalinta ugu hooseysa oo ka dhigan in Soomaaliya tahay dalka ugu musuqmaasuqa badnaa sannadkii 2022.

dalka ugu dhibacaha sareeya xagga musuq la’aanta ayaa haystaa 90 dhibcood waana dalka dhaca woqooyiga Yurub ee Denmark halka Soomaaliya ay haysato 12 dhibcood oo kaliya.

Waxaa Soomaliya kaalmaha hoose kula jira dalka Suuriya iyo Koonfur Suudaan oo isagu sannadkan sare u kacay laba dhibcood halka Soomaaliya ay hal dhibic hoos ugasoo degtay halkii ay joogtay sannadkii 2021.

inkasta oo ay jiraan dalalka qaar oo kaalmaha isla galay Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 180-aad oo aysan cidan kula jirin.

Tani waxay kusoo aadaysaa iyadoo maxkamadeyn ay ku socoto saraakiil dowladeed oo loo haysto musuqmaasuq.