1 min read

Wasaaradda Waxbarashada oo Cadeesay Habraacii loo maray qaadashada macallimiinta Qaran.

Maalmahaan waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ay warbxin ka soo saartay macallimiinta wasaaradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wararkaas oo sheegaya in musuq-maasuq uu ka dhacay howlaha macallimiinta.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta Hirshabeelle.

Habraaca qaadashada macallimiinta saddexda kun ee dhammaan dowlad goboleedyada xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxaa loo maray hab daahfuran oo loo simman yahay, waxaana gacanta ku hayey guddi si gaar ah loogu xilsaaray oo u madaxbannaanaa arrimaha qaadashada macallimiinta, si hufanna u maareeyay howshooda.

Habraacii qaadashada macallimiinta waxa uu maray heerar kala duwan oo ka koobnaa: Codsi online ah, hubin shahaaddooyin, imtixaanno qoraal iyo Af, iyo xallinta cabashooyinka ka imaanayey tallaabo kasta oo la qaaday.

Waxaa hadda dhammaan intii ka soo gudubtay habraacaas dhameystiran uu si habsami ah tababar uga socdaa xarumihii loo asteeyay oo kala ah: magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledwyene, Muqdisho, Baydhabo, iyo Kismaayo.

Haddaba waxaan marlabaad halkaan ku caddeyneynaa in guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madaxbannaanaayeen faragelin dhanka Dowladgoboleedyada ah.

Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay Wasaaradda u dirtay dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku saabsanaa arrimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta Hirshabellena uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Wasiirrada waxbarashada dowlad goboleedyada iyo Madaxweynayaashooda oo taageero weyn la garab istaagay habsami u socodka howsha. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe uu mar walba u taagnaa taageerada howshan.