1 min read

labada Golle oo Akhrinta koowaad mariyeen xeerka qoondada ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka+Sawirro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.

Kulanka, ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondada ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige, ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen.

Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondada ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee BJFS.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hantida Dhowrka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in kulankan uu yahay qeybin kaliya balse kulanka dambe loogu doodi doono hindise sharciyeedka.