Odayaasha Dhaqanka XaaJi Cali ee Gobolka Sh/Dhexe oo ogolaaday Xabad Joojin.
Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo ayaa kulan kula qaatay Deegaanka Xaaji Cali Odoyaasha dhaqanka ee Degma Cadalle iyo Deegaanada Hoosyimaada.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin wasiiro oo ka socday Maamulka Hirshabelle oo Madaxweynaha Hirshabelle uu u xilsaaray xalinta Colaada ka taagneyd halkaas ,sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ah Imaam Daahir Imaam Mohamud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Si kastaba ‘ahaatee’ Kulanka ayaa ku saabsana sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Deegaanada iyo Tuulooyinka hoos taga Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle
Odoyaasha Dhaqanka Beesha Cabdalle Caroone ayaana sheegay iney qaateen xabad joojinta ay ku dhawaaqeen gudiga ka shaqeynaya xal u helida dagaal beeleedyada so laalaabtay ee ka taagan Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle.