1 min read

Gacan ka hadalkii Tik Tok-ga ee sababay geerida iyo garsoorka ciidamada.

Muqdisho:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa u fadhiistay kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee Tik  Tok.

Kiiskaan Sharma’arke Xuseen jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billaawday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo kamid ahaa dhallinta TIKTOK-GA isticmaasha 29-jun ee sanadkaan,xili ay ku soo wada  xifaal tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan halkaa oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha Tiktoka.

Sharma’arke ayaa habeenka kadib soo kaxeystay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cismaan (Suleey) oo labadaba katirsan ciidanka NISA kana mid ah eedeysanayasha dhageysiga Maxkamdda ka soo hor muuqday,intaa kadibana halkaa ay ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali

Gacan ka hadalka isku badalalay dilka ee dhalinta dhaxmaray ayaa markii hore ku billaawday sida Maxkamadda laga hor sheegay Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shalay u fariisatay dhageeysiga kiiska ka dhan ah dhillinyaradaani,iyadoo xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ay halka ku soo bandhigeen cadeemo lid ku ah eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka Xasan Cali Nuur (Shuute) oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in go’aaka ay maxkamadda soo sheegi doonto.