1 min read

Maraykanka oo ka Jawaabay Codsi uga yimid Dawlada Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, kaddib kulan ay la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS  C/qaadir Maxamed  Nuur iyo  taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal  Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

Dawlada Federaalka Soomaaliya Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyo cusub loo sameyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta ka ah guutada Danab.

Maraykanka ayaa taageero muhiim ah u fidin doona ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab oo Mareykanku u tababaray la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka uu Maraykanka uu ku Taageerayo Hawgalada Ciidamada Dawlada Soomaaliya  ayaa ku soo aadaysa iyadoo Dowladda Federaalka  Soomaaliya ay olole ugu jirto sii wadista taageerada caalamiga ah ee ka dhanka ah Alshabab .

Hase ahaatee ‘ shalay ayay ahayd markii Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha C iidanka Xoogga dalka Jeneraal  Ibraahim Sheekh Muxyadiin ay la kula kulmeen Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Wakiilad Saaxbida Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Safiirka UK ee Soomaaliya, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Taliyaha Ciidanka Uganda.