1 min read

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo la waysanaa oo soo hadlay.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in “hargab xun” oo haleelay ka hor istaagtay inuu ka qeyb qaato mudaaharaadyadii socday saddexda maalmood ee uu ku baaqayay oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada iyo canshuur kordhinta.

“Ma ahan qasab in madaxda mucaaradka lagu arko waddooyinka,” ayuu Mr Odinga u sheegay mid ka mid ah TV-yada Kenya oo ka hadlayay dibadbaxyada maanta lasoo gabagabeynayo.

Siyaasiga ruug-caddaa ah, ee lagaga guulaystay doorashooyinkii madaxtinimo ee lagu murmay ee sannadkii hore, ayaa sheegay in mudaharaadyada ay yihiin kuwo ay dadku iska leeyihiin oo uusan kaligii lahayn.