1 min read

Barasaabka gobolka Darfur oo shacabka ugu baaqay in hubka qaataan.

Barasaabka gobolka Darfur ahna hogaamiyihii hore ee fallaagada Minni Arko Minnawi ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqiisii ​​ahaa in dadka rayidka ah ee gobolka ku nool ay hubka qaataan si ay isu difaacaan, isaga oo sheegay in “xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay in talaabadaas la qaado”, sida ay werisay Al Carabiya.

Waxa uu sheegay in maamulkan uu hormuud u yahay dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Rapid Support Forces (RSF) iyo ciidamada, gaar ahaan gobolka Darfur. Colaadda ayaa hadda mareysa bishii afraad.

Mr Minnawi ayaa sidan oo kale horay u jeediyay hadallo kuwan la mid ah, taasoo sare u sii qaadaysa cabsida laga qabo in Darfur oo u qaybsan shan gobol ay gasho dagaal sokeeye oo dhan walba ah, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha qowmiyadeed ee halkaa kajira