3 mins read

Nasashada Jimacaha. Q-366=Qofkii waxartiisa u ogalaado inay Waraabe la ciyaarto, Ha ogaado….=

1. Nin Oday ah oo Xamar weyne Dukaan ku leh, Guriguusuna uu yahay Dabaqa Dunaanka ka sareeyo ayaa Aroosay Gabar yar, Duqii waxa ay ku badisay Dalbkii Howl galka. Waxa uu yiri: Habeenkii Anigaaba kula joogo ee Maalintii intaan Dukaanka joogo Haddii aad ii baahato, Wiilka yar ee Shaqaalahaa ii soo dir una sheeg Baaq ah ” Macsaro” ayaan rabaa. Dhoor jeer ayey Baaqaa u soo dirtay, Dukaankii ayuu xiray waana u tagay si uu waajibka u guto. Markii Tobnaad ayeey Wiilkii Baaqi u soo dirtay. Wiilkii ayuu ku yiri: u sheeg Macsaradii waa dhamaatay, Maakaalkii ayaa haray.” isaga oo ula jewdo, Dhacaankii waa iga dhamaaday ee ma saxaroodaa” ( F.S :1 & %2aad)

( Ar Odayaasha Jimca gaadka ah, yaan….)

2. Hooyo ayaa tiri: wiilkeeygoow Gabar ayaan kuu doonayaa, Guurkii waad kaa daahdaye. Wiilkii ayaa si hoose u yiri: Ma ogi in aan hadda saddax qabo, 6 kalena aan hore u furay.

( Gabdhoow, Halaga fiirsado Khudba sireed iyo Laba Taxi ayaa ii shaqeeyso, Waalidkiina kama war hayo, wareeraa daba yaal )

3. Hooyo Reer Magaal ah, oo la dardaarmee Gabarteeda ayaa ku tiri: Gabarteeydeey Saaxiibkaa, hadduu ku dhunkado ogolaaw, hadduu ku salaaxo ogolaaw, hadduu Sariirta kula tago ogolaaw.
Laakin marna ha ogolaan in uu kaa kormaro oo wixii uu rabo sameeyo, taasi qoyskeena ayeey ceeb u keenee.

Maalmo kadib ayaa Gabartii ku tiri: Hooyo, Inta hore waan sameeyay, laakin markaan Sariirta tagnay Waan diiday in uu iga kor maro si Qoyskeenu uun u ceeboobin.laakin Anigaa ka kor maray oo wixii aan rabay sameeystay, si Qoyskeenu uuna u ceeboobaan.

( Qofkii waxartiisa u ogalaado in ay Waraabe la ciyaarto, Ha ogaado Qaniinyada waxartu waraabe wax ka dhibi meeyso, laakin Qaniinyada Waraabuhu waxarta waxbeey u dhibee, waraabuhu waxa uu ka fikiraa iyo Gabashu waxa ay ka fikiree ayaa kala gadisan. ( F.S: 3aad)

4. Wiil ka qeyb galayay Aroos ayaa waxaa Xafladii ka soo muuqday Arooskii iyo Aroosadii oo Gacmaha is heeysto. Wiilkii ayaa Nin dhinaciisa Fadhiyay ku yiri: Adeer Gabadhaan Ma waxeey kuugu muuqataa Gabar wanaagsan mise Gabar Xun, Aniga waxaan u arkaa in ay aheyd Gabar Saqajaanad ah oo soo gubatay. Odaygii ayaa yiri: Aroosaddu waa gabarteeydii.

( Dhalinyarooy, intaadan Hadal, hubso Cidda aad la hadlee)

5. Cilmi baaris lagu sameeyay Deg. Abdiaziz sheeybaar ku yaal, ayaa lagu ogaaday Gabdhaha dheereeysto Baararka indhaha in ay arki karaan Lacag ku jirto Nin jeebkii oo ka fog 170 mitir. (F.S: 4-8aad)

( Wiiloow, Hubso, Indhaheeda iyo Jeebkaaga Xiriirka ka dhexeeyo)

6. Koo Reer Mudug ah ayaa wiilashiisii ula baxay magacyada Fircoon iyo Haamaan, waxaa lagu yiri: Maxaad Magacyada wiilashaada uga Xumeynee, waxa uu yiri: kuwaasi Ragbeey ahaayeen, wiilashaanna Ragbaa wax kala dhexeeyaan oo Rag iska dhicis ayaa sugaa.

( Diintaa nooga digtay in aan isagu yeerno Magacyada iyo Naaneysyada Xun.).

Qore: Yahya Amir