1 min read

Shirweynaha Wadatashiga & Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada oo Muqdisho ka furmay.

Muqdisho,:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye (Ex School Polizio) si wadajir ah ugu daah furay Shirweynaha Wadatashiga iyo Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada.

Shirweynahaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Saldhigyada & Hogaamada, Ururada Bulshada Degmooyinka, Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada oo dhamaantood laf-dhabar u ah Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Madasha ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Booliska, asigoona Bulshada ugu baaqay in gacmaha la is wada qabsado oo la is kaashado si loogu guuleysto cadowga.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Shirweynahaan uusan noqon doonin mid la isugu yimid oo lagu kala tagay, balse uu noqon doonno mid ay iskula jaan qaadaan Bulshada iyo Booliska, maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ay kaashan doonaan Booliska.