1 min read

Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muqdisho :-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Mudane Cabdirisaaq Maxamed Abiikar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Maareeyaha gegida diyaaradaha Muqdisho iyo qeybta Dakhli uruurinta garoonka, Xafiiska Bankiga dhexe laanta madaarka, qeybaha socdaalka iyo jinsiyadaha, hay’adda saadaaha hawada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee garoonka Aadan Cadde.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa in xafiiska Xisaabiyaha guud uu u kuurgalo sida ay u socdaan howlmaalmeedka Xafiisyada uu kormeeray iyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneed sare u qaadista iyo sugidda adeegyada bulshada, taas oo ay daba socoto isla xisaabtan dhab ah.