1 min read

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Awdheegle oo lagu dilay Muqdisho.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay Muqdisho maanta.

Guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Awdheegle ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab galabta, sida uu mas’uul ka tirsan maamulka Shabelleeda Hoose ee uu ka tirsanaa ay u sheegeen saxaafadda.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Faqay Cabdulle Mayow, waxaana la sheegay inay dablay bartilmaameedsadeen, ayna rasaas ku fureen.

Booliska ayaan weli rasmi ahaaa u sheegin in dad loo soo qabtay dilkaasi iyo in kale.