1 min read

Soomaaliya oo ka qeyb gashay madasha beeraha dunida oo lagu qabtay dalka Turkiga.

Ankara :- Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Maamulka Gobolka Banaadir Mduane , Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga Mudane , Maxamed Xasan ayaa magaalada Samsun ee dalka Turkiya ugu qeyb-galaya madasha beeraha dunida.

Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa sida ugu habboon ee loo kordhin karo wax soo saarka beeraha, loona horumarin karo dadka iyo hay’adaha ay quseyso, si loogu faa’iideysto magaalooyinka, isla markaana loo dhiiri geliyo beeraleyda.

Madashaan oo ay ka qeybgalayaan dowladdo fara badan iyo daneeyayaasha horumarinta beeraleyda ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 20 July 2023.